Xasan aadan samatar heeso qoraal

Qoroxdoo aroortii
Qeybisay falaaraha
Ama qaanso roobaad
Daruur midab ku qarisee
Qiimaheeda leedee
Qof xun lama amaanee
Qalad looma heesee
Qureeshtii haweeynkaaay
Naftaad qancisay baa
Kuu qashuucdayoo
Wanaag kuu qireysee
Qabrigaa qaraadeey
illa meel qaboobiyo
Qaadirkey haku geeyo
Hadaan qiro runteydoo
Qotonshoo warkeygoo
Ruuxaan kugu qiyaaso
Kula qeyb dhigaayoo
Kama qaadin indhahee
Sida roob qayoodoo
Saxan saxo qaboobaa,
Laabteyda deeqdee
Naftaad qancisay baa
Kuu qashuucdayoo
Wanaag kuu qireysee
Qabrigaa qaraadeey
Illa meel qaboobiyo
Qaadirkey haku geeyo

141 total views, 1 views today